You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya oo markii ugu horreysay bixisay ruqsadda adeegga lacagaha la isugu diro teleefoonada

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Saameynta ka dhalatay dagaalka xuduudda ee Suudaan iyo Itoobiya

    Qoxootiga reer Itoobiya ee ku sugan magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa sheegay in tani iyo markii ay billowdeen dagaallada dhanka xadka ee u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya loo diiday in ay lacagahooda ay raashiin iyo shidaalba ku iibsadaan.

    Qaar ka mid ah qoxootigaasi oo BBC-da u warramay ayaa sheegaya in iyaga oo haysta sharciga qoxootinimada ee ay bixiso hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, ay booliska dalka Suudaan tacaddiyo badan kala kulmaan.

    Dadkaasi qoxootiga ah waxay sheegeen dhibaatada iyo cadaadiska inuu ku sii batay wixii ka dambeeyey markii ay billowdeen dagaallada xuduudda ee labada dal u dhaxeeya, taasina ay ku abuurtay walwal iyo cabsi aad u badan.

    Waxayna intaasi ku dareen xerada qoxootiga ee UNHCR muddo laba bilood ah marki ay dagganaayeen loo wareejiyo halka lagu qubo qashinka magaalada Khartuum oo aan nolosha ku habbooneyn.

  2. Dibedbaxyada Myanmar oo xoogeystay

    isku dhacyo udhaxeeyay booliska iyo dad dibedbaxayay ayaa ka dhacay dalka Myanmar, iyadoo haweeney-na lagu toogtay magaalada Monywa. Warar aan la xaqiijini ayaa sheegaya in haweeneydan oo loomaleynaya inay dhaqtar tahay ay geeriyootay

    Magaalada Yangon booliska ayaa rasaas cinjirka ka sameysanah ku kala eryay dadka mudaharadayay.

    Dowlada militariga ee Myanmar ayaa umuuqata inay xoojineyso wax kaqabashada mudaaharaadka maalinlaha ah ee qasaaraha weyn dhaliyay.

    Dad badan ayaa la qabtay halka tiro badan la dhaawacay.

    Milatariga dalkaasi waxay xukunka kula wareegeen afgambi horaanti bishan.

  3. Kenya oo hoggaamin doonto Dalalka ku bahoobay Bariga Afrika.

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Ururka Bariga Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (EAC).

    Uhuru waxaa la doortay intii lagu gudajiray shir madaxeedka 21aad ee ee Bariga Afrika.

    Dalalka qaybta ka ah bariga afrika(EAC) waxay kala yihiin Tanzania, Kenya, Uganda, Ruwanda, Burundi iyo Koonfuurta Suudan.

    Kenyatta wuxuu xilka kala wareegayaa dhigiisa Ruwanda ee waqtigiisu ee Paul Kagame oo la wareegay hoggaanka bishii Febraayo 2019.

  4. Ma celin lahayd haddii boqolaal kun oo lacag ah qof uga tago bajaajtaada?

    Baraha bulshada ku xiriirta maanta waxaa qabsaday dhacdo xiisa badan oo ah wiil magaalada Jigjiga kaga dhex shaqeysto Mootada Bajaajka loo yaqaan ayaa bajaajkiisa ka dhex helay lacag aad u badan oo ay ka tagtay qof dumar ah oo uu dhakhtar geeyay.

    Dhacdo la yaab leh ayay ku noqotay dad badan oo arkay amaba maqlay dhacdadaasi.

    Wiilkaasi oo lagu magacaabo Guuleed Ibraahim Ismaaciil ayaa lacagtii ku raadiyay gabadhii lacagtaasi lahayd oo malaha kaba sabray oo istiri calaf kuma aadan lahayn.

    Goor dhaweyd ayaan Guuleed qadka taleefoonka ku wareysanay,

    Halkan ka dhageyso

  5. Soomaaliya oo diiwaangelisay kiisas hor leh oo ku saabsan cudurka Covid-19

    Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 304 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Karoona halka iyo 8 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.

    Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,830 qof.

    Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

    Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.

  6. Soomaaliya oo markii ugu horreysay bixisay ruqsadda adeegga lacagaha la isugu diro ee teleefoonada

    Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ruqsadda adeegyada lacagaha la isugu diro guddoonsiiyay shirkadda isgaarsiinta ee Horumuud ee fadhigeedu yahay magaalada Mudisho.

    Waxaana tallaabadan lagu doonayo in sare loogu qaado nidaamka casriga ah ee lacagaha la isugu diro si loola jaanqaadsiiyo nidaamka caalamiga ah ee adeegyada lacagaha dunida.

    Shirkadda Hormuud oo Soomaaliya ka howlgaleysay tan iyo sanadkii 2002, waxaa ku xiran macaamiil gaareyso 3.6 malyan halka ku dhawaad 3 malyan oo qof oo kamid ah dadkaas ay adeegsadaan adeega lacagaha la isugu diro ee EVC Plus, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Isgaarsiinta Hormuud waxaa laga adeegsadaa inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, adeegan wuxuu dad badan ka caawin doonaa in si sahlan ay lacagaha isugu diraan iyagoo adeegsanayo teleefoonadooda.

  7. Dibadbaxyo looga soo horjeedo afduubka carruur iskuuley ahaa oo ka dhacay Nigeria

    Dad careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jangebe ee woqooyiga dalka Nigeria halkaasi oo shalay laga qafaashay in kabadan saddex boqol oo gabdhood oo arday ah.

    Dadkani ayaa ka careysnaa afduubka gabdhahaasi, waxaana ay dhagxaan la dhaceen baabuurta marayay waddoouyinka.

    Dibad-baxyadan ayaa ku soo beegmaya saacado uun ka dib markii madaxweynaha dalkaasi uu sheegay in kooxaha burcadka ahi aysan marnaba handadi karin dowladdiisa.

    Saraakiisha Nigeria waxay sheegeen in koox kamid ah carruur lagu afduubtay iskuul ku yaalla dalkaas lasoo daayay.

    Waxaan lasoo daayay 40 kamid ah carruuta iskuuleyda ah halka weli la la'yahay gabdho iskuuley ah oo jimcihii laga afduubtay Nigeria.

    Mar sii horreysa, madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari wuxuu sheegay in dowladdiisa aysan indhaha ka dadan doonin kooxaha bartilmaameesanayo carruurta iskuuleyda ee aan waxbo galabsan.

  8. "Maxamed Bin Salmaan waa in cunaqabateyn lagu soo rogaa"

    Madaxa Qaramada Midoobey u qaabilsan baaritaanada arrimaha xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaleeceysay go'aanka Mareykanka ee ku aadan in wax cunaqabateyn ah uusan kusoo rogin dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kadib arrinta ku saabsan in lala xiriiriyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

    Agnes Callamard oo ay Qaramaday u xilsaartay arrintaas ayaa sheegtay in arrin xun ay tahay in tallaabo laga qaadi waayo Maxamed Bin Salmaan.

    "Marka hore waa in isagana lagu so rogaa cunaqabateeno la mid kuwa lagu soo rogay 17-ka qof ee kale oo lagu helay iney ka dambeeyeen dilki weriye Jamaal Khashogji. hantidiisa waa in la xayiraa, akoonkiisa bangiga waa in sidoo kale laga xiro"

    Hadalka Agnes Callamard ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay Khaashuqji.

    Maxamed Bin Salmaan wuxuu mar kasta beeniyaa in wax lug ah uu ku lahaa dilkii loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

  9. Buug ay iska dhex arki karaan carruurta Soomaalida

  10. Sucuudiga oo ku gacan seyray hadalka kasoo baxay Mareykanka

    Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

    Maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof kaddib markii hore oo ay dil ku xukuntay.

    2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay "inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay" ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay "mid cadaaladda lagu hareermaray".

  11. Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay mas'uuliyiin ka tirsan boqortooyada Sucuudiga

    Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay cunaqabateyn kusoo roogtay tiro kamid ah mas'uuliyiinta boqortooyada Sucuudiga kadib markii sirddoonka Mareykanka uu helay warbixin sheegeyso in dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay dilkii weriyihii u dhashay Sacuudiga Jamaal Kaashuqji.

    Cunaqabateynta waxaa kamid ah in lagu soo rogay xayiraad dhanka dal ku galka Mareykanka isla markaana la xanibayo hantida ka taalla halkaas.

    Balse Mareykanka ma uusan shaacin wax tallaabo oo ka dhan ah dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

    Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid "howlgal damiirka ka fog" oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

    Khaashuqji ayaa sanadkii 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

  12. Abaaro ba'an oo saameeyay Ceelwaaq

    Waxaa Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo laga soo sheegayaa abaar baahsan oo fara ba'an ku haysa dadka iyo duunyada deegaankaasi.

    Waxaa guray calashii iyo warihii biyaha halka daaqna uusan jirin maadaama uusan labadii xilli roobaad ee ugu dambeeyay uusan deegaankaasi wax roob ah helin.

    Abaarta ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa deegaano kale oo isla gobolka Gedo ah.

    Ibraahim Aadan Guuleed oo ah guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ayaa BBC u sheegay in abaaraha ay saameeyeen dadka iyo xoolaha maadama ay biyo yareeyeen ceelashii biyaha ay ku tiirsanaayeen.

    "Abaaro ba'an baa ka jira deegaanka oo dhibaato weyn u geystay dadka iyo xoolahaba sanadkii hore roobab lama helin deyrtii hadda aheyd roobab lama helin"

    "Biyo la'aan iyo baad la'aan intaba dadkii wey saameysay..waririhii wey go'aaneen ceelashii wey biyo yareeyeen" ayuu yiri guddoomiyaha Ceelwaaq.

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

  13. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.