You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kalluumaysato lagu la' yahay badweynta Hindiya
Kalluumaysato lagu la' yahay badweynta Hindiya
Muddo ka badan 14 cisho waxa lagu la’yahay badweynta Hindiya koox kaluumaysato Soomaali ah oo gaaraya ilaa lix qof. Kooxdan u jilaabasho tagtay badda ayaa illaa hadda aan la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyagoo markoodii hore ka baxay xeebaha Muqdisho. Qoysaska ay ka dhasheen iyo iskaashatada kaluumaysatada ayaa aad uga welwelsan xaaladda ragga maqan, waxayna dawladda ugu baaqeen in lala baadi goobo.
Gudoomiyaha Iskaashatooyinka Kaluumaysiga Xasan Maxamed Rooble ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga warramay kaluumaysatada maqan iyo muddada la la'aa.