Dhegeyso: Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay arrinta gobolka Sool iyo sii deynta maxaabiista

Dhegeyso: Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay arrinta gobolka Sool iyo sii deynta maxaabiista

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa meel fagaare ah ka jeediyey waxa ay xukuumadiisu ka damacsan tahay arrinta gobolka Sool oo hadda ay gacanta ku hayaan maamulka Khaatumo.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta maxaabiista oo dhawaan muran dhalisay markii maamulka Khaatumo uu 25 maxbuus ku wareejiyey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo dhawaan la bilaabay qorshe ay Somaliland ku sii deynayso maxaabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool. Weriye Saleebaan Saxansaxo ayaa ka warramaya.