You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhegeyso: Cabdirashiid Janan oo ka hadlay qabsashadii ciidankiisa ee Beled Xaawo
Wararka ka imaanaya magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya, in saldhigga magaalada, xarunta hay'adda socdaalka iyo xarunta degmadaba ay shalay qabsadeen ciidamo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan oo ah sargaal ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.
Muddo ko dhow toban maalmood, waxaa halkaa ku dagaallamayay ciidamo taabacsan maamulka Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.
Cabdirashiid Janan oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyay in magaalada ay iyagu hadda joogaan, isla markaana Isgaarsiinta oo go'nayd muddadii dagaalku socday ka dib ay hadda dib u soo laabatay.
Xaaladda magaalada Beled Xaawo ayuu sheegay inay haatan deggan tahay, isla markaana dib loo soo celiyay korontadii maqneyd iyo isgaarsiinta. Cabdirashiid Janan wuxuu u warramay weriye Xasan Sheekh Cumar. Waxaan daynay in mas'uuliyiinta Jubbaland aan wax ka waydiinno arrimaha uu Janan ka hadlay, hase yeeshee nooma suurta galin in aan helno.