You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhegeyso: Maxaa sababay dib u dhaca markii labaad ku yimid shirka Muqdisho ee golaha wadatashiga
Dhegeyso: Maxaa sababay dib u dhaca markii labaad ku yimid shirka Muqdisho ee golaha wadatashiga
Dib u dhac ayaa ku yimid shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya ee la filyay in uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu qabsoomiddiisa horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii hore ee April ayaa waxa uu dib u dhacayaa markii labaad, iyadoo markan sababta baaqashadiisa aan la sheegin.
Ajendaha shirka ayaa lagu sheegay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii midnimo qaran loogu wajihihii lahaa.
Haddaba baaqashada shirkaasi iyo sheekooyinka ku xeeran waxa inoo faahfaahinaya weriyaha BBC-da ee Muqdisho oo u warramay Nimcaan Cismaan.