Dhegeyso: Sidee bay siyaasiyiinta mucaaradka u arkeen kulankii ay Muqdisho kula yeesheen madaxweynaha

Dhegeyso: Sidee bay siyaasiyiinta mucaaradka u arkeen kulankii ay Muqdisho kula yeesheen madaxweynaha

Kulankan oo saacado dhex marayey siyaasiyiinta mucaaradka ee madasha samatabixinta iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqday mid ay isku fahmeen ajendaha laga wada hadlayo, kaasoo ka kooban afar qodob.

Kulanka waxaa ka maqnaa labada hogaamiye ee Jubbaland iyo Puntland oo ay arrimaha qaar isku aragti ka yihiin mucaaradka.

Haddaba, ajendaha ka sokow sidee bay guud ahaan qabsoomidda kulankaas u arkeen mucaaradka, muxuuse yahay qorshaha xiga. Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee kulankaas ka qayb gashay ayaa arrimahaas uga warramay weriye Xuseen Xasan Xuska.