You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhegeyso: Goobjooge ka sheekeynaya xaaladdu sidii ay ahayd markii ay Iiraan gantaallada ku garaacday Qatar
Dhegeyso: Goobjooge ka sheekeynaya xaaladdu sidii ay ahayd markii ay Iiraan gantaallada ku garaacday Qatar
Iiraan waxay xalay weerar gantaalo ah ku qaadday saldhigga ciidanka Maraykanka ee Al Udeid ee ku yaalla dalka Qatar.
Dawladda Qatar ayaa muddo kooban xirtay hawada dalkeeda, waxaana magaalada caasimadda ah ee Dooxa laga maqlayey qaraxyo ayadoo cirkana laga arkayey iftiinka gantaallada.
Dalka Qatar waxaa ku nool Soomaali halkaas ka shaqaysta, waxaana dadkaas ka mid ah Ibraahim Saleebaan Cali oo BBC u sheegay in ilaa 15 sano uu ku noolaa Qatar, wuxuuna uga warramay Liibaan Cabdi Warsame wixii uu arkay iyo wixii uu maqlay