You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xaaf oo beeniyay in baarlamaanka Galmudug uu xilka ka qaaday
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa beeniyay in baarlamaanka dowlad goboleedkaasi uu xilka ka qaaday.
Xaaf ayaa sheegay in dastuuriyan aysan hadda xildhibaanadu isaga xilka qaadi karin, maadaaama sida uu sheegay uu xilka hayo afar bilood oo kaliya, dastuurkuna uu qabo ilaa lix bilood ka hor in aan xil ka qaadis lagu sameyn karin.
Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ay shegeen in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu hor istaagay hawlihii baarlamaanka.
Madaxweyne Xaaf oo qadka taleefoonka ugu warramay weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele ayaa ugu horreyn ka hadlaya sida uu u arko hadalka ka soo yeeray baarlamaanka Galmudug ee ah in ay isaga xilkii ka qaadeen.