You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waraysi: Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle
Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle, ayaa fadhi uu shalay ku yeeshay magaalada xarunta u ah ee Jowhar ku doortay madaxweyne cusub oo maamulkaasi yeelan doono, maadaama oo madaxweynihii hore ee maamulkaas isla baarlamaanku hore xilka uga qaadeen.
Madaxweynaha cusub ee la doortay oo ah Maxamed Cabdi Waare, ayaa wareeggii labaad ee codbixinta ku guulaystay waxaanu sheegay in uu wax ka qaban doono khilaafka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedkaas.
Waare wuxuu khadka telefoonka magaalada Jowhar ugu waramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato.