Beeralayda Gaarisa, Kenya oo ka cabanaya suuq la'aan

Iyadoo sicir barar ba'an uu ka jiro dalka Kenya ayaa waxaa haddana hoos u dhacay qiimaha lagu kala iibsado waxsoosaarka beeraha qaarkii.

Beeralayda soo saara xabxabka ama qaraha ee degmada Gaarisa ayaa ka cabanaya in aanay haysan suuq ay u iib geeyaan xabxabka u soo go'a, waxaanay taasi ku kalliftay in ay ku iibiyaan qiime tuuris ah amaba ay qubaan dalaggii u soo go'ay. Waxaana waddooyinka magaalada Gaarisa gudaheeda wadhan xabxab la iibsan waayey.

Hadaba arrintan ayaa waxaannu ka wareysannay, Xasan Sugow Axmed, oo ka mid ah beeralayda Gaarisa, waxa uu u warramay Bashkas Jugsodhacay oo marka hore waydiyay bal inuu ka warramo wax soo saarkooda?