You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Carruur qabta xanuunnada wadnaha oo laga qaaday Gaarisa si loo daweeyo
Ku dhawaad 60 carruur ah oo qaba xannuunnada wadnaha ayaa shalay laga waday degmada Gaarisa, ayaga oo loo qaaday cisbitaal ku yaalla degmada Nakuru, halkaasi oo si lacag la'aan ah ay ugu daweyn doonaan dhakhaatiir ka socda dalka Maraykanka.
Carruurta xaaladooda wax looga qaban waayo gudaha Kenya ayaa waxaa loo qaadi doonaa cisbitaallo ku yaalla gobolka Texas ee dalka Maraykanka, halkaasi oo loogu fidin doono daweyn heer sareysa.
Waxaa jira carruur horay uga faa'iideysatay gargaarkan caafimaad ee ay fuliso hay'adda Heart Gift Foundation, sida uu kusoo warramayo weriyaheenna gobolka Waqooyi Bari Kenya, Bashkas Jugsoo Dhacay.