You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xabxabka oo ku soo batay Hargeysa
Waxaa maalmahan suuqyada magaalada Hargeysa aad ugu soo batay xabxabka ama qaraha oo dadweynuhu ay ku iibsanayaan qiimo aad uga jaban kii hore.
Xilligii la beeri jiray xabxabka ayaa waxaa dib u dhigay abaartii sanadkan horraantiisii ka dhacday Somaliland, taasoo sababtay in markii roobabku si fiican u da'een aad loo beeray xababka oo dabadeed suuqa loo soo iib geeyo isagoo fara badan.
Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan ku eegaya qaraha tirada badan ee magaaladaasi.