You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
'Kaararka aqoonsiga Soomaaliya waa sharci darro'
Hanti dhowrka Guud ee dawladda Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay kaararka aqoonsiga ee ay dowladda Hoose ee Muqdisho ku amartay dadku in ay qaataan.
Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in horay Baarlamaanka uu diidmo uga soo saaray kaararkaasi, isla markaana uu isaga mar hore ka hor-yimid, maadaama aanay sax aheyn qaabka loo bixinayo.
Wuxuu kaloo sheegay sheegay in Shirkadaha Turkiga laga leeyahay ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho ay diideen in lala xisaabtamo. Arrimahaasi ayaa waxaa ka wareystay Faarax lamaane oo marka hore weydiiyey sababta uu sharci darrada ugu tilmaamay kaararka aqoonsiga