You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kooxda Soomaaliya
Kooxda ka socota dalka Soomaaliya ee ka qaybgalaysa Cayaaraha Olombikada ee ka dhacaya magaalada Rio ayaa lagu wadaa inay ordaan maalinta Arbacada ee soo socota 17 bishan August.
Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daauud Maxamed ayaa uga qaybgalaya Soomaaliya cayaaraha Olombiga.
Haddaba rajo noocee ah ayay qabaan iyo sidee dadka Soomaaliyeed u arkaan Abdullahi Osman Faarax oo ah weriye dhinaca sportiga oo Muqdisho jooga ayaa warbixintan nooga diyaariya